Home Ciyaaraha Maanta Chelsea oo Gudbisay 25-ka Xidig ee uga qeyb galaya koobka Champions League

Chelsea oo Gudbisay 25-ka Xidig ee uga qeyb galaya koobka Champions League

0

Chelsea ayaa soo saaray liiska ciyaartoydeeda ee uga qayb-geli doona tartanka Champions League, kuwaas oo Tuchel uu shalay u gudbiyey UEFA.

Sida uu dhigayo sharciga UEFA, kooxaha ayaa liiska ciyaartoydooda mar kale soo gudbinaya marka uu soo xidhmo suuqa iibka ee bisha January, waxaana loo ogol yahay in saddex ciyaartoy oo cusub ay kusoo daraan liiskii hore, iyadoo laga saarayo saddex kale oo hore ugu jiray.

Tababare Thomas Tuchel ayaan liiskiisa dhabta ah ku darin labada ciyaartoy ee da’da yar ee Mason Mount iyo Hudson-Odoi, kuwaas oo uu ku daray liiska kale ee loo yaqaan ‘List B’ oo lagu qoro ciyaartoyda ay da’doodu tahay ama ka hoosayso 20 jirka.

Labadan ciyaartoy ayaa waxa liiskaas kula jira Tino Anjorin iyo Henry Lawrence oo uu waliba la socdo goolhaye Karlo Zielger.

Ian Maatsen ayaa laga saaray liiska ciyaartoyda da’yarta kaddib markii uu amaah ugu wareegay Charlton Athletic.

Waxa kale oo liiska laga saaray Fikayo Tomori oo ku biiray AC Milan bishii January, inta ka hadhay xili ciyaareedkana halkaas kusoo qaadanaya.

UEFA ayaa go’aamisay in tartanka Champions League ee xili ciyaareedkan ay kooxuhu sameeyaan shan beddel, taas oo ka dhigan in ciyaar kasta ay Blues garoonka la iman doonto 23 ciyaartoy oo 12 ka mid ah ay beddel ahaan ugu qornaanayaan.

Liiska ciyaartoyda A-da, waxa uu ka kooban yahay 25 ciyaartoy, halka ay liistada B ay iyaduna tahay toddoba laacib.

Blues ayaa wareegga 16ka ee tartanka Champions League waxay isku dhaceen Atletico Madrid oo ay lugta hore ugu tegi doonto waddanka Spain marka ay taariikhdu tahay February 23, halka ciyaarta labaadna ay ka dhici doonto Stamford Bridge marka  ay taariikhdu tahay March 17.

Liiska ciyaartoyda ‘List A’ ee Chelsea:

Kepa Arrizabalaga, Antonio Rudiger, Marcos Alonso. Andreas Christensen (club-trained), Jorginho, Thiago Silva, N’Golo Kante, Tammy Abraham (club-trained), Christian Pulisic, Timo Werner, Willy Caballero, Kurt Zouma, Edouard Mendy, Mateo Kovacic, Olivier Giroud, Ben Chilwell (association-trained ), Hakim Ziyech, Cesar Azpilicueta, Kai Havertz, Emerson Palmieri.

Liistada ‘B’: Mason Mount, Callum Hudson-Odoi, Billy Gilmour, Reece James, Tino Anjorin, Karlo Ziger, Henry Lawrence.

Diyaarad ay leedahay Dowlada Israel oo ku bur-burtay Magaalada Qaza

Warbaahinta Israa’iil ayaa baahiyay in diyaarad nuuca wax basaas ah oo ay lahaayeen milatariga Israa’iil shalay ku dhacday meel ku dhaw marinka Qasa ee dhulka Falastiin, kaddib marki la sheegay

40 xubnood oo Al-shabaab looga dilay dagaalo iyo duqeymo ka dhacay gobolka Shabeellaha Dhexe

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaalo iyo duqeymo ka dhan ah kooxda Al-shabaab oo saacadahii lasoo dhaafay ka dhacay deegaano ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe. Howlgalada ayaa la tilmaamay

Qaranka Soomaaliya ee 17jirada oo maanta wajahaya dhigooda Xulka Tunisia koobka Qaramada Qaarada Afrika

Xulka Qaranka Soomaaliya ee da'doodi ay ka yar tahay 17 jirada ayaa maanta wajihi doona xulka Qaranka dalka Tunisia ee da'doodi ka yartahay 17jira tartanka 15aad ee Koobka Qaramada Qaarada

Dowlada oo ka hadashey Hawlgaladii ugu danbeeyay ee ka dhacay Gobolada Shabeelooyinka

Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Abuukar Maxamed oo maanta shir jaraa’id Warbaahinta ugu qabtay furimaha hore ee dagaalka ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixiyay howlgaladii ugu dambeeyay ee ka

Gobolka Shabeellaha Dhexe oo lagu dilay Horjoogayaal ka tirsan Kooxda Shabaab

Taliska hay'adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ee NISA ayaa shaaca ka qaaday in howlgal Xalay  ka dhacay deegaanka Geelgub oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Dhexe lagu dilay xubno ka
Ad
Previous articleMidowga Musharixiinta Oo Baaq U Diray Madaxda Ku Shiraya Dhuusamareeb
Next articleWararkii ugu Dambeeyay Shirka Dhuusomareeb iyo Arinta Gobolka Gedo oo is faham laga gaaray