Home Wararka Maanta Xisbiga Bidixda oo dacwad dhaqaale ka gudbiyay hoggaamiyaha SD Jimmie Åkesson

Xisbiga Bidixda oo dacwad dhaqaale ka gudbiyay hoggaamiyaha SD Jimmie Åkesson

0

Xisbiga Bidixda (Vänsterpartiet) ayaa ku dhawaaqay inuu u gudbiyay dacwad hay’adda la dagaallanka dambiyada dhaqaalaha ee Sweden, isagoo ka dhan ah hoggaamiyaha Xisbiga Dimuqraadiyiinta Sweden (SD), Jimmie Åkesson, kadib xog lagu soo bandhigay baaritaanno uu sameeyay barnaamijka “Kalla Fakta” ee TV4 oo ku saabsan maamulka maaliyadda xisbiga.

Guddoomiyaha kooxda baarlamaanka ee Xisbiga Bidixda, Samuel Gonzalez Westling, ayaa sheegay in macluumaadka la helay uu yahay “mid culus oo suuragal ahaan noqon kara fal dambiyeed”, isagoo xusay inay jiraan calaamado muujinaya suurtagalnimada dambiyo canshuureed.

Barnaamijka “Kalla Fakta” ee TV4 ayaa dib u eegis ku sameeyay maamulka maaliyadeed ee Xisbiga SD, waxaana la sheegay in la helay khaladaad iyo nusqaano la xiriira sida cashooyinka iyo munaasabadaha gudaha xisbiga loogu diiwaangeliyay xisaabaadka rasmiga ah.

Baaritaanku wuxuu sidoo kale diiradda saaray habka loo maareeyay xisaabaadka xisbiga iyo shirkad la xiriirta, iyadoo su’aalo laga keenay in dhammaan kharashaadka iyo munaasabadaha si sax ah loogu diiwaangeliyay buugaagta xisaabaadka.

Ad