Home Wararka Maanta Puntland oo amarro cusub ku soo rogtay dhaqdhaqaaqyada hubeysan iyo shirarka siyaasadeed2

Puntland oo amarro cusub ku soo rogtay dhaqdhaqaaqyada hubeysan iyo shirarka siyaasadeed2

0

wPuntland ayaa soo saartay awaamiir amni oo cusub, kuwaas oo ay ku jiraan tallaabooyin lagu xakameynayo dhaqdhaqaaqyada siyaasiyiinta hubeysan, qarashada askarta, shirarka siyaasadeed iyo falalka khatarta ku ah amniga  Puntland.

War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Amniga Puntland ayaa lagu sheegay in go’aamadan ay ka dhasheen shir ay yeesheen guddiga amniga iyo wasaarado kale oo ay khuseyso arrimaha amniga.

Go’aanada lasoo saaray waxaa ka mid ah in si adag loola tacaali doono gaadiidka tiknikada ah ee ay wataan maleeshiyaad sharci-darro ah, iyadoo la sheegay in cid kasta oo lagu helo hub iyo gaadiid aan sharciyeysneyn laga qaadi doono tallaabo sharci ah.

Sidoo kale, Puntland ayaa mamnuucday in gudaha deegaannadeeda lagu qabto shirar ay soo abaabulaan kooxo lagu tilmaamay maleeshiyaad ama ururro aan sharciyeysneyn, iyadoo digniin loo diray cid kasta oo ka qayb qaadata ama martigelisa shirarka noocaas ah.

Dhanka kale, maamulka Puntland ayaa uga digay Dowladda Federaalka Soomaaliya inay joojiso waxa uu ku tilmaamay faragelinta arrimaha gudaha ee Puntland, gaar ahaan taageeridda ama fududeynta dhaqdhaqaaqyada hubeysan ee ka socda deegaannada maamulkaas.

War-saxaafadeedkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay taagan yihiin muranno siyaasadeed iyo xiisado amni oo ka jira qaybo kamid ah Puntland, kuwaas oo la xiriira loollanka siyaasadeed iyo khilaafaadka u dhexeeyaPuntland iyo dowladda federaalka

Ad