Home Ciyaaraha Maanta Kooxda Chelsea oo shaacisay go’aan ay ku Farxeen soona dhoweeyeen Muslimiinta UK

Kooxda Chelsea oo shaacisay go’aan ay ku Farxeen soona dhoweeyeen Muslimiinta UK

0

Kooxda Chelsea oo ka mid ah kooxaha heerka koowaad ee dalka Brirain ayaa ku dhawaaqday iney garoonkeeda ku afurin doonta Muslimiinta deegaanka maalinta ugu horreysa bisha Barakeysan ee Ramadaan.

Kooxda Blues waxey barnaamijkan iska kaashanayaan hay’adda Kheyriga ah ee (Ramadan Tent Project), taasoo ka diiwaan gashan gudaha UK, waana hay’ad loogu talagalay iney isku keento Bulshada.

Garoonka Stamford Bridge ayaa albaabada loo furi doonaa si Muslimiinta deegaanka loogu afuriyo, waana tallaabo qurux badan oo ay dad badan soo dhaweeyeen.

Muuqaalka Barnaamijkan lagu baahiyay waxaa hadal laga siiyay laba ka mid ah xiddigaha Muslimiinta ee kooxda (Wesley Fofana & Kalidou Koulibaly) oo talaabadaas ku tilmamaay iney tahay mid isku soo dhoweyeneysa bulshooyinka kala diimaha ah.

Chelsea ayaa noqoneysa hadii ay talaabadan qaado kooxdii ugu horreysay ee ka ciyaarta Premier League oo garoonkeeda maalin soon-qaad ku afurisa muslimiinta degaanka.

Ad
Previous articleXasan Shiikh oo Gaaray Dalka Eriteeriya Xili Wali Ciidamo Soomaali ah Dalkaas ku maqanyihiin(Sawiro)
Next articleAadan Madoobe oo muddo kordhin u sameeyey Guddi shaqo adag loo diray

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here