Home News in English Ciidamada Galmudug iyo Kuwa Deegaanka oo Kaabiga Ku haaya Degmada Bacaadwayn(Sawiro)

Ciidamada Galmudug iyo Kuwa Deegaanka oo Kaabiga Ku haaya Degmada Bacaadwayn(Sawiro)

0

Maalintii labaad waxaa Howlgalo xariir ah ay kasocdaan Degaanada Hoos yimaada Degmada Bacaadweyne ee Koonfurta Gobolka Mudug, kaas oo looga Saraayo kooxda Alshabaab.

Ciidamada Daraawiishta Galmudug, kuwa degaanka iyo Ciidamo Xoogga Dalka Gaar Ururka 273-aad ee Guutada 27-aad ee Abuu Dujaana ayaa iska kaashanaya Howlgalkaan ka dhankaa kooxda Alshabaab. Waxaana Maantay howlgalkaan laga Sameeyey Degaanada Cimaamad, Hareeridheere Gaaday, Qaycad iyo Degmada Bacaadweyne Dhulka ku Teedsan.

Howlgalkaan waxaa hogaaminayay Gaashaanle C/raxmaan Nuur Sahal sheekeeye oo ka mida Saraakiisha Ciidamada Xoogga, Gaashaanle C/laahi Xusein (Caano booro) Taliyaha Guutada 27-aad ee Abuu Dujaana iyo Taliya Ururka 273-aad ee Guutada 27-aad Abuu Dujaana ee ciidmada Xoogga Dalka Kaptan Maxamed Bashiir Cali (Shiine).

Kooxda Alshabaab ayaa Badi isaga Baxay Saldhigyadii ay ku Lahaayeen degaanada Koonfurta Gobolka Mudug, kadib Cabsi xoogga Oo soo foodsaartay.

Ad
Previous articleGabar caan ka ahayd barta YouTube oo aabbaheed qudha ka jaray
Next articleDowlada Qatar oo kusoo Biirtay Dagaalka Alshabaab lagula jiro(Sawiro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here