Chelsea oo Gudbisay 25-ka Xidig ee uga qeyb galaya koobka Champions League

Chelsea ayaa soo saaray liiska ciyaartoydeeda ee uga qayb-geli doona tartanka Champions League, kuwaas oo Tuchel uu shalay u gudbiyey UEFA.

Sida uu dhigayo sharciga UEFA, kooxaha ayaa liiska ciyaartoydooda mar kale soo gudbinaya marka uu soo xidhmo suuqa iibka ee bisha January, waxaana loo ogol yahay in saddex ciyaartoy oo cusub ay kusoo daraan liiskii hore, iyadoo laga saarayo saddex kale oo hore ugu jiray.

Tababare Thomas Tuchel ayaan liiskiisa dhabta ah ku darin labada ciyaartoy ee da’da yar ee Mason Mount iyo Hudson-Odoi, kuwaas oo uu ku daray liiska kale ee loo yaqaan ‘List B’ oo lagu qoro ciyaartoyda ay da’doodu tahay ama ka hoosayso 20 jirka.

Labadan ciyaartoy ayaa waxa liiskaas kula jira Tino Anjorin iyo Henry Lawrence oo uu waliba la socdo goolhaye Karlo Zielger.