wHans Oko, oo ah wadaad ku dhashay kuna koray magaalada Lund, ayaa sheegay inuu dhawaan ogaaday in uu lumiyay dhalashadiisii Iswiidhan sannadkii 1994 markii uu qaatay dhalashada Jarmalka, iyadoo aan wax ogeysiis ah la siin.
Muddo 32 sano ah, Oko wuxuu si joogto ah u cusboonaysiinayay baasaboorkiisa Iswiidhan, wuxuuna ka qaybgalayay doorashooyinka baarlamaanka dalka, iyadoo aanay hay’adaha dowladdu ogaan khaladkaas.
Hans Oko wuxuu dhashay sannadkii 1946 isagoo ka soo jeeda qoys Yuhuudi ah. Aabbihii, Wilhelm Oko, ayaa ka baxsaday taliskii Nazi-ga ee Jarmalka, wuxuuna yimid Iswiidhan sannadkii 1939. Kahor intaanu qaxin, wuxuu sawirqaade ka ahaa magaalada Görlitz.
Sida uu sheegay Hans Oko, aabbihii ma uusan awoodin inuu xirfaddiisii sawirqaadista ka sii wato Iswiidhan, kadib markii ururka sawirqaadayaasha uu warqad u diray mas’uuliyiinta isagoo muujiyay inuusan doonayn in sawirqaadayaal Yuhuud ah ay ka shaqeeyaan dalka.
Markii uu yimid Iswiidhan, Wilhelm Oko wuxuu noqday qof aan lahayn jinsiyad (stateless), maadaama laga qaaday dhalashadiisii Jarmalka. Intii lagu jiray 1950-meeyadii, isaga iyo wiilkiisaba waxay heleen dhalashada Iswiidhan.
Kiiskan ayaa dhaliyay su’aalo ku saabsan sida nidaamyada maamulka iyo diiwaangelinta jinsiyaduhu u shaqeeyeen tobannaan sano, iyadoo nin si rasmi ah u lumiyay dhalashadiisa uu haddana sii watay isticmaalka xuquuqaha muwaadinnimada muddo ka badan soddon sano.



