Liverpool oo dalab ka gudbineysa ciyaaryahanka khadka dhexe ee AC Milan Franck Kessie

Photo/Reuters

Liverpool ayaa lagu soo waramayaa in ay dalab ka gudbineyso xiddiga khadka dhexe ee kooxda Ac Milan ee Franck Kessie wax yar ka hor inta uuna furmin suuqa kala iibsiga ee bartamaha xilli ciyaareedkan.

Jurgen Klopp ayaa qarka u saaran inuu waayi doono Mohamed Salah , Sadio Mane iyo Naby Keita bisha soo socota si ay seddexda ciyaaryahan uga qeyb galaan Koobka Qaramada Afrika, waxaana la rumeysan yahay inay Reds galeyso suuqa kala iibsiga Janaayo.

Sida laga soo xigtay Liverpool Echo , kooxda Klopp ayaa bilowday dalab ay ku doonayaan Kessie, kaasoo sidoo kale lala xiriirinayo inuu u dhaqaaqayo Tottenham Hotspur, Manchester United iyo Real Madrid.

25-sano jirkaan ayaa labo jeer ka horyimid Liverpool xilli ciyaareedkan wareega group-yada Champions League, waxaana qandaraaskiisa Giuseppe Meazza uga haray kaliya lix bilood, taasoo la micno ah inuu bartilmaameed sahlan u noqon karo bisha Janaayo.