Wasiirada Dowlada Federalka oo Cambareeyey Weerarkii lagu Qaaday Xafiska Raysulwasaraha Rooble

Golaha Wasiirada Xukuumadda Soomaaliya oo caawa shir yeeshay ayaa shirkooda ku cambaareeyay isku daygii afgambigii fashilmay ee 27-ka December lagu soo qaaday Xarunta Golaha Wasiirada iyo Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, halkaasoo ciidamo ka tirsan Madaxtooyada isku dayeen inay la wareegeen.

Golaha Wasiirrada ayaa isku raacay in baaritaan dhab ah lagu sameeyo cidii ku lugta lahayd duullaankii lagu qaaday hey’adaha dastuuriga ee dalka , iyadooo Ra’iisul Wasaaruhu uu soo magacaabi dooni guddi ka kooban 5 xubnood oo baaris dhameystiran ku sameeya sidii ay wax u dhaceen.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*