Xildhibaano ka Tirsan baarlamaanka Galmudug oo kasoo muuqday Jiida Dagaalka(Sawiro)

Xildhibaan Cabdulqaadir Saciid Cabdulle oo ka tirsan Barlamaanka Galmudug” Waxaan gaarnay deegaanka laasgacameey Ee hoos taga degmada Bacaadwayne si ay ugu kuurgalno xaalada guud Ee degaanka, ayagoo u diyaar garoobaya xoreynta degaanka iyo sidaan ay uga qayb qaadan lahayeen dadaalada guud ahaan galmudug ka socda Ee lagu sifeynaayo argagixisada xagjirka ah.

saraakiisha Ciidamada Daraawiishta Galmudug, kuwa Dowladda federaalka iyo ciidamo degaanka ayaa Xildhibaanka iyo saraakiisha la socotay kusoo dhaweeyey degaankaasi.

Taliye C/raxmaan Sheekeeye ayaa Xildhibaanka iyo Saraakiisha waxa uu warbixin ka siiyay Qorshaha loo dajiyay Xoreynta Degaanada Koonfurta Gobolka mudug.