Home Wararka Somaliya Hirshabeelle Al Shabaab oo dib ula wareegeen Deegaanka Booco ee Dhawaan laga Saaray...

Al Shabaab oo dib ula wareegeen Deegaanka Booco ee Dhawaan laga Saaray (Sawirado)

0

Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa deegaanka ee macawuusleyda ayaa lagu soo waramayaa in ay dib uga baxeen deegaanka Booco ee gobolka Hiiraan, halkaas oo maalmo kahor kala wareegeen Al Shabaab.

Dagaalyahanada Al Shabaab oo horey ugu sugnaa duleedka deegaankaasi ayaa dib ugu soo laabtay deegaanka Booco, kaddib markii halkaasi isaga baxeen ciidamada dowladda iyo kuwa macawuusleyda ee ku sugnaa.

Sargaal katirsan Al Shabaab oo la hadlay warbaahinta afkooda ku hadasha ayaa sheegay in dib ula wareegeen deegaanka Booco ,oo maalmihii lasoo dhaafay dibad joog ka ahaayeen ,kaddib markii ay la wareegeen ciidamo huwan ah.

Deegaanka Booco ayaa lagu arkayaa dagaalyahano badan oo katirsan Al Shabaab oo gaaf wareegaya, ciidamadan ayaana dib ula wareegay xarumihii ay horey ugu sugnaayeen oo maalmihii lasoo dhaafay ku sugnaayeen ciidanka dowladda.

Dowladda federaalka iyo maamulka gobolka Hiiraan ayaan ka hadlin ka bixitaanka deegaanka Booco oo dib ula wareegeen Al Shabaab, waxaana maalmihii lasoo dhaafay deegaankaasi ka dhacay dagaalo iyo qaraxyo khasaaro badan dhaliyay.

 

Ad
Previous articleBooliiska Mareykanka oo toogtay Muwaadin Soomaaliyeed oo dhagxaan ku tuuray
Next articleXildhibaano ka Tirsan baarlamaanka Galmudug oo kasoo muuqday Jiida Dagaalka(Sawiro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here