Home Wararka Caalamka Shirkadda Tagaasida ee Vietnam ee Green SM oo isu diyaarinaysa inay suuqa...

Shirkadda Tagaasida ee Vietnam ee Green SM oo isu diyaarinaysa inay suuqa Sweden soo gasho

0

SWEDEN: Shirkadda tagaasida ee Vietnam laga leeyahay ee Green SM ayaa isu diyaarinaysa inay adeeggeeda ka bilowdo dalka Sweden, kaddib markii la oggolaaday ruqsadaha lagu hawlgelinayo ilaa 2,500 oo baabuur. Go’aankan ayaa dhaliyay dhaleecayn uga timid shirkado kale oo ka shaqeeya suuqa gaadiidka.

Hadda boqolaal baabuur oo ay shirkaddu leedahay ayaa saf ugu jira goob warshadeed oo ku taalla waqooyiga magaalada Stockholm. Dhammaan baabuurtaasi waxay leeyihiin midabka cagaar-buluugga ah ee gaarka u ah shirkadda, kaas oo lagu garto adeeggeeda.

Wargeyska Dagens Nyheter (DN) ayaa sheegay in 400 oo baabuur la diiwaangeliyay intii lagu jiray bishii Oktoobar.

Loollan cusub oo ay la geli doonaa Uber iyo Bolt#

Muddooyinkii u dambeeyay waxaa soo baxayay warar sheegaya in Green SM ay qorshaynayso inay soo gasho suuqa Sweden, taas oo tartan cusub ku abuuri karta shirkadaha waaweyn ee tagaasida internetka ku shaqeeya, sida Uber iyo Bolt.

Dhanka kale, waxaa bogga Hay’adda Shaqada Sweden (Arbetsförmedlingen) lagu daabacay xayeysiisyo shaqo oo lagu raadinayo darawallo, kuwaas oo loogu diyaar garoobayo bilaabista adeegyada shirkadda gudaha Sweden.

Arrintan waxaa sidoo kale xaqiijisay wakaaladda wararka ee TT.

Soo gelitaanka Green SM ee suuqa Sweden ayaa la filayaa inuu kordhiyo tartanka adeegyada tagaasida, iyadoo shirkaddu qorshaynayso inay hawlgeliso kumannaan baabuur.

Ad