Home Wararka Somaliya Hirshabeelle Alshabaab oo Farsamo layaab leh ku laayay Dad kasoo jeeda Hiiraan

Alshabaab oo Farsamo layaab leh ku laayay Dad kasoo jeeda Hiiraan

0

Guddoomiyaha maamulka degmada Maxaas Muumin Maxamed oo u warramay warbaahinta dowladda ayaa faahfaahin ka bixiyey dad ku waxyeeloobay ceel biyood la sumeeyey oo ku yaalla gobolka Hiiraan ee bartamaha dalka.

Ceelka biyihiisa la sumeeyey oo lagu magacaabo Ceelka Jiqow ayaa ku yaalla dhanka waqooyi ee degmada Maxaas, halkaas oo dhowaan laga saaray kooxda Al-Shabaab.

Muumin ayaa shaaca ka qaaday in falka sumeynta ah ay ka dambeeyeen dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab, kuwaas oo uu tilmaamay inay si dhuumaaleysi ah ku tegeen halkaasi.

Sidoo kale wuxuu xaqiijiyey in dhacdadaan ay ku dhintay ugu yaraan illaa 2 qof oo shacab ahaa, halka ay haatana il daran yihiin 7 ruux oo kale oo cabay ceelka la sumeeyey.

“Dad shacab ah oo aan waxba galabsan ayaa shalay la sumeeyey nimanka nabad diidka ah ayaa ceel sun ugu daray khasaaro ayaana ka dhacay dhimasho iyo dhaawacba leh oo dad iyo duunyo leh. Laba qofood waa ku dhintay illaa 7 kalena waa xanuunsan yihiin” ayuu yiri.

Dhinaca kale guddoomiyaha degmada Maxaaas ayaa ka warbixiyey howlgallada ka socdo Hiiraan, wuxuuna tilmaamay in haatan uu dagaal ka socda deegaanka Ceeel Qooxle oo dhacay dhanka xadka ay wadaagaan gobollada Hiiraan & Shabeelaha Dhexe ee HirShabelle.

“Howlgaladu waa sii socdaan hadda aan kula hadlayo dagaal ayaa ka socdo deegaank Ceel Qooxle oo ku yaallo xadka Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe. Khasaare xilligaan lama qiimeyn karo xabaddii ayaaba socoto marka dib ayaan kasoo sheegi doonaa,” ayuu sii raaciyey.

Xaaladda ayaa haatan ah mid kacsan, mana jiro wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha ciidamada dowladda iyo dhinaca Al-Shabaab oo ku aadan dagaalka ka socdo halkaasi.

 

 

 

Ad
Previous articleXildhibaano ka Tirsan baarlamaanka Galmudug oo kasoo muuqday Jiida Dagaalka(Sawiro)
Next articleMadaxweyne Xasan Shiikh oo Ka Tacsiyeey Geerida Halyeey Cilmi Hagar Guure

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here