Home Wararka Caalamka Siyaasi Hal bil ku Jiray Barlamaanka Sweden oo iskaga baxay Golaha

Siyaasi Hal bil ku Jiray Barlamaanka Sweden oo iskaga baxay Golaha

0

STOCKHOLM, Sweden – Siyaasiga Jimmy Jansson oo ka tirsan xisbiga Socialdemokraterna (Xisbiga Shaqaalaha Bulshada) ayaa ku dhawaaqay inuu iska casilayo xilka xildhibaanimo ee Baarlamaanka Iswiidhan, isla markaana uu ka fariisanayo siyaasadda xisbiyada, wax ka yar laba bilood kaddib markii uu xilka xildhibaannimo la wareegay.

Sida ay baahisay telefishinka Iswiidhan ee SVT, Jansson oo horay u soo noqday guddoomiyaha golaha fulinta ee degmada Eskilstuna, ayaa go’aankiisa ku shaaciyey qoraal uu ku baahiyey baraha bulshada, isaga oo sidoo kale sharraxay sababaha ku kallifay inuu tallaabadan qaado.

Jansson ayaa sheegay inuu rajaynayey in doorashooyinka iyo muddada ka dambaysa ay u noqon doonaan dhiirrigelin cusub oo uu ku sii wato shaqada siyaasadeed. Taasi waxay keentay inuu aqbalo inuu isu soo taago doorashada Baarlamaanka, inkasta oo uu dareemayey inuu u baahan yahay waqti dheeraad ah oo uu ku qiimeeyo rabitaankiisa ku aaddan sii wadista siyaasadda.

“Waxaan laga yaabaa inaan rajaynayey inaan dib u helo xamaasaddii siyaasadeed intii lagu jiray doorashada iyo wixii ka dambeeyey. Markii la ii soo bandhigay fursadda aan ugu tartamayo Baarlamaanka, way igu adkayd inaan jawaab kale bixiyo oo aanan aqbalin. Hase yeeshee, waxaan ogaa inaan u baahanahay waqti dheeraad ah oo aan arrintan kaga fikiro,” ayuu yiri Jansson.

Ad