Home Wararka Maanta Xaflada Xiritaanka Shirka Wadatashiga Qaranka oo soconaysa

Xaflada Xiritaanka Shirka Wadatashiga Qaranka oo soconaysa

0

Xarunta ciidamada cirka ee Afisyooni kuna Taala Garoonka aadan Cadde ayaa waxaa ka socda xafladda gunaanadka shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee Doorashooyinka dalka, taasoo lagu wado in uu ka soo baxo warmurtiyeed ku saabsan heshiis ay si wadajir ah u saxiixeen madaxda dowladda iyo kuwa maamul goboleedyada.

Hase yeeshee xafladan oo sida qorshuhu ahaa in 9ka subaxnimo ay bilaabato qudbadaha ayaa waxaa ku yimid dib u dhac kadib markii guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi uu diiday inuu ka qeybgalo.

Qodobka ugu adag ee heshiiskan ayaa lagu sheeegay inuu ahaa kan guddiga doorashada ee gobollada Somaliland, maadaama aysan markii hore jirin cid ku mataleysay wadahadallada, hase yeeshee warar ku dhow xaafiiska Ra’isul Wasaaraha ayaa xaqiijiyay in Ra’isul Wasaare Rooble uu ballan qaaday in uu dib u eegis ku sameyn doono arrintan.

Madaxweyne Farmaajo, Ra’isul Wasaare Rooble, guddoomiyaha golaha shacabka, dhammaan madaxda maamul goboleedyada iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa ka qeyb galaya shirka sidoo kale Waxaa Goobta ku sugan Musharaxiinta Madaxweynaha iyo Siyaasiin kale.

Madaxweyneyaashii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed iyo Xassan Sheekh Maxamuud oo ka tirsan midowga musharraxiinta ayaa iyaguna ku jira liiska hadal-jeedinka.

 

Ad
Previous articleGudoomiyaha Aqalka sare oo Lagu Qanciayay Ka qeyb-galka Shirka
Next articleRooble iyo Madaxda Maamul Gobaleedyada oo saxiixay Heshiiska Doorashada (Sawiro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here