Home Wararka Maanta Weerar Qarax ku bilowday oo lagu qaaday Hotel kuyaalla Kismaayo iyo Rasaas...

Weerar Qarax ku bilowday oo lagu qaaday Hotel kuyaalla Kismaayo iyo Rasaas la maqlayo

0

Wararka ka imaanaya magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ee maamulka Jubbaland ayaa sheegaya in goordhaw weerar xooggan oo ku bilowday qarax ismiidaamin ah lagu qaaday hotelka Tawakal ee kuyaalla Kismaayo.

Qaraxa oo jugtiisa si weyn looga maqlay magaalada Kismaayo ayaa lagu weeraray hotelka Tawakal, waxaana qaraxa kaddib la maqlayaa rasaas xooggan oon la ogeyn in ay tahay weerar toos ah iyo mid ay ridayaan ciidamada ammaanka.

Sida aan wararka horu dhaca ah ku heleyno qaraxan goordhaw lagu weeraray hotelka Tawakal ayaa dhaliyay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac, waxaana goobta weerarku ka dhacay degdeg u gaaray ciidamada amniga.

Waxii warar ah ee kusoo kordha weerarkan kala soco wararkayaga dambe Insha Allah

Ad
Previous articleMuhiimad intee la eg ayay leedahay dekadda Garacad ee Shalay Xariga Laga Haray?
Next articleAlshabaab oo wali Ka Dhex Dagaalamaaya Gudaha Hotel Tawakal ee Magaalada Kismaayo(Sawiro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here