Home Wararka Somaliya Puntland Muhiimad intee la eg ayay leedahay dekadda Garacad ee Shalay Xariga Laga...

Muhiimad intee la eg ayay leedahay dekadda Garacad ee Shalay Xariga Laga Haray?

0

Waxa maanta xariga laga jaray dekadda Garacad, ee gobolka Mudug halkaas oo ay ku sugnaayeen masuuliyiin, ganacsato iyo dad kale oo badan oo goob joog ka ahaa daah-furka mashruucaan lagu tilmaamay kii ugu weynaa ee dhawaanahan laga hirgeliyo dawlad goboleedka Puntland.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa si rasmi ah xarigga uga jaray dekedda Garacad.

Mas’uuliyiin ka socotay gobolka ayaa ka qayb galaya xafladda, waxaana kamid ah madaxweynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida Mustafe Muxumed Cumar iyo wasiirka magacaaban ee gaashaandhigga ee Kenya, Aadan Barre Ducaale.

Haddaba shan waxyaabood ka ogow dekadda Garacad.

Wajiga koowaad ee dekadda Garacad

Mashruucaan dekadda Garacad, ayaa la dhagax dhigay sanadkii 2019-ka, inkastoo howsha iyo qaban qaabadu ay soctay muddo intaa ka badan, haddana waxay soo martay marxalado kala duwan.

Daah-furka maanta la sameyay waa wajiga koowaad ee dhismaha waxaana uu ka koobanyahay laba jambi ( laba dhinac), waxaa haray laba dhinac oo kale, oo qorshuhu yahay in la dhameys tiro, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta mashruucan gacanta ku haya ee shirkadda Wadaagsan.

Xarig ka jaridda dekaddan ayaa dhacay iyadoo uu ku soo xirtay Markabkii ugu horreeyay oo sida 9000, oo tan oo shamiito ah.

Dhisme ku yimid isku tashi

Ganacsato gacan ka helaya qaybaha kala duwan ee bulshada iyo maamulka Puntland, ayaa hirgaliyay dekaddan oo dhismaheedu uu ku baxay qrasha gaaraya 120 milyan oo doolar. Marka la dhameystiro mashuurac ayaa la filayaa in guudahaan qarashaka ku baxa uu noqdo 325 milyan oo doolar.

Muhiimadda dekadda Garacad

Dekaddaan furitaankeeda ka sakow madaxda ka qayb gashay waxaa iyaguna goob joog ahaa shirkado ganacsi oo ay leeyihiin dad Soomaaliyeed, kuwaas oo qaarkood la sheegay in ay billaabi donaan dhawaan in ay kala soo degaan waxyaabaha ay dibadda ka keenaan.

Sidoo kale waxaa jiri doona dhisidda waddo ka billaabata Garacad, Gaalkacyo marta isla markaana gaarta deegaanka ku yaalla xadka uu dalka Soomaaliya la wadagao dalka Itoobiya, oo lagu magaacbo Tuur Dibi oo ka tirsan degmada Goldogob.

Sidoo kale dekadda waxaa laga sameyn doonaa maxjar xoolaha laga dhoofiyo maadaama ay ku taalla aag muhiim ah una dhaxeeyso dekaddaha Muqdisho iyo Boosaaso oo aad u kala fog.

Sidoo kale gobollada dhexe waa meelaha ugu badan oo xoolaha Soomaaliya laga dhoofiya waxayna dekaddaan u tahay fursad muhiim ah.

Ad
Previous articleVilla Somaliya Oo Shaacisay Ujeedka Madaxweynaha U Tagay Jabuuti.
Next articleWeerar Qarax ku bilowday oo lagu qaaday Hotel kuyaalla Kismaayo iyo Rasaas la maqlayo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here