Home Wararka Maanta Wasiiro Cusub ka mid noqon Doona puntland oo la Dhaariyay

Wasiiro Cusub ka mid noqon Doona puntland oo la Dhaariyay

0

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa goobjoog ka noqday munaasabadda dhaarinta  Wasiiro cusub oo dhowaan uu magacaabay Madaxweynaha Puntland kuwaasi oo maanta si rasmi ah xilkaasi loogu dhaariyay.

Wasiirada cusub oo uu dhaariyay Ku-simaha Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Nuur Ciise Maxamed, ayaa kala ah Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Mudane Cabdiraxmaan Cali Axmed iyo Wasiirka Deegaanka, Beeraha iyo Isbedelka Cimilada Mudane Axmed Yuusuf Maxamed (Labayk).

Madaxweynaha ayaa Wasiirada cusub alle uga baryay in uu u fududeeyo, wuxuuna kula dardaarmay in ay sida ugu wanaagsan u gutaan waajibaadka loo igmaday.

Ad
Previous articleXagee Ku Danbeysay Doodii Baarlamaanka ingiriisku Ka Yeelan Lahaa Aqoonsiga Soomaaliland?
Next articleGudiga Doorashooyinka Jubaland oo Shaaciyay Xiliga Laqabaanyo Doorashada Ugu Horaysa ee Golaha Shacabka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here