Home Wararka Maanta Xagee Ku Danbeysay Doodii Baarlamaanka ingiriisku Ka Yeelan Lahaa Aqoonsiga Soomaaliland?

Xagee Ku Danbeysay Doodii Baarlamaanka ingiriisku Ka Yeelan Lahaa Aqoonsiga Soomaaliland?

0

Xagee ku danbaysay dooddii la sheegay in Baarlamaanka Ingiriiska uu ka yeelanayo aqoonsiga Somaliland.

Doodda la sheegay in Baarlamaanka Ingiriisku ka yeelanayo Somaliland ayaa ahayd Adjournment debates oo macnaheedu yahay Doodaha kulan weynaha kadib

Doodda caynkaas ah oo 30 daqiiqo qaadata, ayaa la qabtaa marka kulan waynaha baarlamanka maalinkaas lagu kala dareero, taasoo dhex marta xildhibaanka kulanka dalbaday iyo wasiirka ay qusayso ee uu xildhibaanku su’aasha weydiinayo, iyo haddii ay jiraan xildhibaano kale oo arrinta xiisaynaya oo doodda dhagaysta,, su’aalana weydiin kara wasiirka.

Xildhibaanka doodda ballanteeda qabtay waxa uu hadli karaa oo qura marka uu su’aasha jeedinayo billowga hore ee kulanka, loomana ogola hadal kale marka uu su’aasha jeediyo kadib.

Dooddu ma ahayn mid sidaa u buuran , taas ayaana keentay in aysan soo gelin warbaahinta, ama aanan la keenin kulan waynaha ama kulamada Guddiyada ee Baarlamaanka sida Guddiga Arrimaha dibadda.

Ad
Previous articleFaah Faahin ku saabsan Qarax ka dhacay Xerada NAC NACA ee Muqdisho (Sawiro)
Next articleWasiiro Cusub ka mid noqon Doona puntland oo la Dhaariyay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here