Home Wararka Somaliya Koonfur Galbeed Wasiir Katirsanaa koonfurgalbeed oo geeriyooday iyo Laftagareen oo Ka Hadlay

Wasiir Katirsanaa koonfurgalbeed oo geeriyooday iyo Laftagareen oo Ka Hadlay

0

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, qaraabada iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee, marxuum Abba awow Xaaji Suufi oo ahaa Wasiir ku xigeenka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha K/Galbeed.

Laftagareen ayaa tilmaamay in Marxuumka naftiisa iyo waqtigiisaba uu huray u khidmeynta shacabka Koonfur Galbeed isagoo ka soo qayb qaatay dadaalladii dib loogu dhisayay dowladnimada Soomaaliya iyo Dowlad Goboleedka Koonfur galbeed xilliyo kala duwan.

“Innaa lillaahi wa Innaa Ileyhi raajicuun. Waxaan tacsi u dirayaa qoyska, ehelada iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday, Alle ha u naxariistee, Marxuum Abba awow Xaaji Suufi oo ahaa Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha maamulka K/Galbeed” ayuu yiri Laftagareen.

Madaxweyne Cabdicasiis ayaa Marxuumka Alle uga baryey inuu hoygiisa ka yeelo Jannatul Fardowsa, samir iyo iimaanna ka siiyo qoyska, qaraabada iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay

Ad
Previous article12 musharax oo Maantay Qaatay Shahaadada Musharaxnimo oo beri Jowhar lagu Dooran Doono(Sawiro)
Next articleRaysulwasaare Rooble oo si aan Caadi ahayn loogu Soo Dhaweeyey Imaaraadka Carabta(Sawiro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here