Raysulwasaare Rooble oo si aan Caadi ahayn loogu Soo Dhaweeyey Imaaraadka Carabta(Sawiro)

Ra’iisul Wasaaraha Somalia Mudane Maxamed Xuseen Rooble iyo wefdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Abu Dhabi ee dalka Isutagga Imaaraadka Carabta.

Rooble ayaa kulamo kula yeelan doona madaxda ugu sarreysa  dalka Imaaraadka Carabta.

Booqashada Ra’iisul Wasaaraha ee dalka Imaaraadka ayaa ujeedkeedu yahay xoojinta xiriirka u dhexeeya labada dal ee walaalaha ah iyo sidii loo sii horumarin lahaa.

Socdaalka Ra’iisul Wasaare Rooble ee Imaaraadka ayaa noqonaya kii u horreeyay oo Mas’uul heerkiisu sareeyo oo dowladda Federaalka Soomaaliya ka socda ku tago dalkaas, tan iyo sanadkii 2018 uu xumaaday xiriirka labada dal