Home Wararka Maanta Wararkii Ugu Danbeeyey ee Doorashada Gudoonka Golaha Shacabka iyo Ciidamo la Wareegay...

Wararkii Ugu Danbeeyey ee Doorashada Gudoonka Golaha Shacabka iyo Ciidamo la Wareegay Teebdhada Afisyooni

0

Waxaa maanta oo arbaco ah lagu wadaa in teendhada xerada ciidamada cirka ee Afisiyooni ee magaalada Muqdisho ka dhacdo doorashada guddoonka gollaha shacabka ee Baarlamaanka federaalka Soomaaliya.

Doorashada waxaa ku tartamaya musharaxiin badan oo isku soo taagay guddoomiyaha golaha shacabka iyo labadiisa kuxigeen, waxaana musharaxiinta saacadihii lasoo dhaafay wadeen olole aad u xoogan ay ku kasbanayeen codadka xildhibaanada.

Teendhada ay ka dhaceyso doorashada ayaa lagu wadaa in ay gaaraan xildhibaanada wax dooranaya iyo musharaxiinta, waxaa sidoo kale la filayaa in xaruntaasi tagaan masuuliyiin iyo wakiillo katirsan beesha Caalamka.

Sida aan wararka ku helnay ammaanka teendhada Afisiyooni waxaa la wareegay ciidamada ATMIS ay la shaqeenayaan ciidamada ilaalada Ra’isul Wasaare Rooble, waxaa sidoo kale teendhada kusii sugan oo shaqo ka wada shaqaalaha xafiiska Rooble.

Ad
Previous articleTaliye Xijaar oo Shaqa Joojin Lagu Sameeyey
Next articleP.M Rooble oo Dalka Dib ugu soolaabtay Shir Deg deg ahna Galay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here