Home Wararka Maanta P.M Rooble oo Dalka Dib ugu soolaabtay Shir Deg deg ahna Galay

P.M Rooble oo Dalka Dib ugu soolaabtay Shir Deg deg ahna Galay

0

Ra’isul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa goordhaw kasoo degay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, waxaana halkaasi kusoo dhaweeyay wasiiro katirsan xukuumadda iyo Xildhibaano.

Rooble ayaa markii uu soo gaaray garoonka Aadan Cadde durba bilaabay shirar uu gudaha garoonka kula qaadanayo saraakiisha ciidamada ATMIS iyo sidoo kale wakiillo katirsan beesha caalamka .

Ra’isul Wasaaraha ayaa xubnahan kala hadlayay qabsoomoiida doorashada guddoonka gollaha shacabka oo lagu wado in maanta ka dhacdo teendhada Afisiyooni iyo sidii looga gudbi lahaa caqabadaha ka hor gudban qabsoomida doorashada.

Waxaa sidoo kale la filayaa Ra’isul Wasaare Rooble in uu gaaro teendhada Afisiyooni ee doorashada ka dhaceyso halkaasna kula kulmo guddoonka KMG ee gollaha shacabka iyo sidoo kale guddiga qaban qaabada Doorashada.

Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya ayaa dadaaladiisa ugu dambeeya ku bixinaya qabsoomida doorashada guddoonka gollaha shacabka iyo sidii meesha looga saari lahaa caqabadaha ka imaanaya Villa Soomaaliya ee la doonayo in doorashada lagu carqaladeeyo.

Teendhada doorashada ka dhaceyso waxaa ammaankeeda si buuxda ula wareegay ciidamada nabad ilaalinta ee ATMIS iyo sidoo kale ciidamo ka socda ilaalada xafiiska Ra’isul Wasaaraha kuwaa oo caawinaya ciidamada ATMIS.

Waxii warar kusoo kordha warkan kala soco wararkayaga dambe Insha Allah

Ad
Previous articleWararkii Ugu Danbeeyey ee Doorashada Gudoonka Golaha Shacabka iyo Ciidamo la Wareegay Teebdhada Afisyooni
Next articleXildhibaano loo diiiday inay galaan Teendhada Afisyoone

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here