Home Wararka Somaliya Galmudug Wararkii Ugu Danbeeyey Dagaalkii Masagawaa iyo Xog Qarsonayd oo lahelay

Wararkii Ugu Danbeeyey Dagaalkii Masagawaa iyo Xog Qarsonayd oo lahelay

0

Dagaallo qaraar ayaa ka dhacay magaalada Masagawaay ee gobolka Galgaduud, kadib markii Al-Shabaab ay saakay waaberigii hore weerar ku qaadeen ciidanka dowladda eek u sugan magaaladaas.

Laba sarkaal oo dhinaca amniga ah ayaa warbaahinta u sheegay in maanta kooxda Al-Shabaab ay soo galeen magaalada, kadibna ay xerada ciidanka ka qaateen gaadiid dagaal.

Mid ka mid ah saraakiisha ayaa VOA u sheegay in maleeshiyaadka Al-Shabaab ay ka horyimaadeen ciidamo kasoo gurmaday magaalada Ceeldheer, kuwaas oo dagaal xooggan la galay, waxaana ciidankaasi ay ku guulaysteen inay Al-Shabaab kala wareegaan hubkii iyo baabuurtii ay ka qaateen saldhigga Mesagawaay, sida uu sarkaalkaasi sheegay.

Tobannaan askari ayaa la sheegay in dagaalkii maanta ay labada dhinac uga dhinteen.

Dawladda Soomaaliya ayaa maanta sheegtay in ciidamada qaranka ay fashiliyeen weerar ay Al-Shabaab kusoo qaadeen magaalada Masagawaay ee gobolka Galgaduud.

War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta ee dawladda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in ciidamada dawladdu ay sii ogaayeen weerarka ay damacsanaayeen Al-Shabaab, kadibna ay ka hortageen.

War-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in ciidamada ay dileen in ka badan 30 ka tirsan maleeshiyaadka Al-Shabaab, ayna qabsadeen saddex baabuur oo ay adeegsanayeen Al-Shabaab.

Dawladdu waxay sheegtay saddex ka tirsan ciidamada qaranka ay ku dhaawacmeen weerarkaas.

Dhinaca kale, maleeshiyaadka al-Shabaab ayaa dhinacooda sheegtay in weerarka ay ku qaadeen Masagawaay iyo weerar kale oo dhabba-gal ah oo ay u gaysteen ciidamo gurmad ah oo ka yimid dhinaca Ceeldheer ay ku dileen 73 ka tirsan ciidamada dawladda.

Wararka ku saabsan dhimashada labada dhinac ayaan si madax-bannaan loo xaqiijin weli. Dadka degaanka ku sugan ayaa xaqiijiyey iska horimaad culus uu ka dhacay magaalada kadib weerar ay al-Shabaab soo qaadeen.
Ad
Previous articleWeerarro culus oo lagu qaaday Ruushka iyadoo Ukraine ay iska fogeysay
Next articleRag KanTirsan Alshabaab oo Qorshaynayay Inay Dilaan Laftagareen iyo aadan Madoobe oo Gacanta Lagu Dhigay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here