Home Wararka Somaliya Koonfur Galbeed Rag KanTirsan Alshabaab oo Qorshaynayay Inay Dilaan Laftagareen iyo aadan Madoobe oo...

Rag KanTirsan Alshabaab oo Qorshaynayay Inay Dilaan Laftagareen iyo aadan Madoobe oo Gacanta Lagu Dhigay

0

Hey’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka Soomaaliya ayaa maanta magaalada Baraawe ku soo bandhigay seddax nin oo la sheegay inay ka tirsan yihiin kooxda Al-Shabaab.

Raggaan ayaa lagu soo qabtay howlgal qorsheysan, iyagoo sida la sheegay maleegay qorshaha howlgallo culus oo ay ka fuli rabeen magaalada Baraawe.

Magaaladaas waxaa ku sugan guddoomiyaha golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya iyo Madaxweynaha Koonfur Galbeed, waxaana la sheegay in ragga la qabtay ee ka tirsan Al-Shabaab ay ku howlanaayeen qorsheynta weerarro culus, balse laga hor tegay.

Sarkaal lagu magacaabo Cumar Cabdi oo hoggaaminayey howlgalka lagu soo qabtay raggaan Shabaabka ah ayaa warbaahinta u xaqiijiyey in xooraan dheer kadib ay ku guuleysteen inay gacanta ku soo dhigaan 3-da nin ee Shabaab-ka ah.

Warbaahinta dowladda ayaa soo bandhigtay muuqaal laga soo duubay seddaxda nin ee lagu soo qabtay howlgalkaas oo indhaha ka xiran.

Howlgalka lagu soo qabtay raggaan ayaa saameeyey dhamaan qeybaha ay ka kooban tahay magaalada Baraawe, waxayna saraakiishu sheegeen inay ku guuleysteen inay soo wada qabtaan raggii la helay xogtooda ee dhagarta maleegayey.

Si gaar ah waxaa la shaaciyey in xogta soo qabashada raggaan ay ka dambeeyeen ciidanka aan muuqan ee dharcadda  NISA, kuwaas oo door muhiim ah ku leh sugidda amniga magaalooyinka muhiimka ah ee dalka.

Dowladda Soomaaliya ayaa hadda xoogga saareysa inay ka hor tagto weerarrada ka imaanaya Al-Shabaab, iyadoo la xoojinayo dhanka sirdoonka, waxaana mudooyinkii dambe sidaan oo kale loo fashiliyey weerarro dhowr ah.

Ad
Previous articleWararkii Ugu Danbeeyey Dagaalkii Masagawaa iyo Xog Qarsonayd oo lahelay
Next articleWararkii Ugu Danbeeyey Sudaan oo Markale Dagaal Culus ka Qarxay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here