Home Wararka Maanta Weerarro culus oo lagu qaaday Ruushka iyadoo Ukraine ay iska fogeysay

Weerarro culus oo lagu qaaday Ruushka iyadoo Ukraine ay iska fogeysay

0

Laba xildhibaan oo ka tirsan baarlamaanka Ruushka ayaa ka digay in weeraro kale lagu soo qaado dalkooda, ka dib markii subaxnimadii hore ee saaka weerar ay fuliyeen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn oo ahaa kii ugu weynaa tan iyo markii uu Ruushku galay Ukraine.

Goob hodan ah oo ku taal Moscow ayaa la beegsaday, waxaana ku dhaawacmay labo qof.

Alexander Khinshtein oo ka tirsan xisbiga talada haya ee “United Russia”, ayaa sheegay in waxa uu ugu yeeray “weerarada argagixisada” ay sii kordhin doonaan oo kaliya.

Saaxiibkiis Maxim Ivanov ayaa sheegay in uusan jirin muwaadin Ruush ah oo hadda ka fogaan kara “xaqiiqda cusub”.

Ukraine ayaa beenisay inay mas’uul ka tahay weerarradaas, inkastoo afhayeen u hadlay madaxweyne Zelensky uu sheegay inay “ku faraxsan yihiin daawashada waxa dhacaya.”

Ad
Previous articleAlshabaab oo Ka Hadashay in Lataliyihii Axmed Godane ee Gacanta U Galay NISA
Next articleWararkii Ugu Danbeeyey Dagaalkii Masagawaa iyo Xog Qarsonayd oo lahelay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here