Wararkii ugu Danbeeyey Dagaalkii Cuslaa ee Degaanka Qaayib Al-Shabaab ku Qaadeen

Dagaalo culus ayaa saaka mar kale waxay ka dhaceen degaanka Qaayib ee gobolka Galgaduud, halkaasoo ay mudooyinkan gacanta ku hayeen ciidamada xoogga dalka iyo kuwa degaanka.

Sida wararku sheegayaan dagaalka saaka ka qarxay degaanka Qaayib ayaa bilowday markii xoogag taabacsan Al-shabaab ay halkaas ku qaadeen weerar culus oo ku bilowday gaadiid qaraxyo laga soo buuxiyey.

Waxaa la soo sheegayaa in dagaalka saaka uu geystay khasaare balaaran oo dhimasho iyo dhaawacba leh, waxaana xaalada degaankaas ay tahay mid cakiran, iyadoo isgaarsiintu ay tahay mid ciriiri ah.

Dowladda Soomaaliya oo war ka soo saartay weerarkan ayaa sheegtay in Al shabaab si wayn loogu jabiyay dagaalka saaka ka dhacay degaanka Qaayib.