Dowlada Soomaaliya oo Warsaxaafadeed kasoo Saartay Duqayn loogaystay Alshabaab Sawirana Soo Bandhigtay(Sawiro)

Warsaxafadeed Goordhow Dowlada Soomaaliya Soo saartay Ayaa Sidaan U Qornaa:

WAR SAXAAFADEED

MOGADISHU, 25 November 2022: Inta la ogyahay 15 xubnood oo ka tirsan tirsan Khawaarijta Al-Shabaab ayaa lagu dilay howlgal qorshaysan iyo duqayn ciidanka gaarka ah ee Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka iyo saaxiibada caalamiga ah ay ka fuliyeen deegaanka Buulo Madiino oo tirsan gobolka Shabeellaha Hoose.

Xubnahaan Khawaarijta ee la laayay oo si gaar ah uu ugu daba jiray Sirdoonka Soomaaliya ayaa ahaa firxadkii ka bad baaday howlgal 23-kii bishaan laga fuliyay deegaankaan kaas oo lagu dilay 49 dhagar qabe.