Wararkii ugu dambeeyey natiijada Doorashada madaxweynaha dalka Kenya

Natiijooyinka horudhaca ah ee doorashada madaxweynaha Kenya ayaa muujinaya tartan aad la isugu dhow yahay, oo ay adag tahay in la saadaaliyo cidda ku guuleysan doonta.

Haddii natiijooyinkan ay muujinayaan hal arrin ayaa ah; in musharax kasta oo laga guuleysto, haddii uu noqon lahaa Raila Odinga ama William Ruto, uu dood ka keeni doono natiijada islamarkaana la tiigsan doono maxkamad.

Kenya kama dhicin doorasho aan la isku khilaafin oo loolan ka dhalan tan iyo 2002, waxaana muranadii hore qaarkood ay hoggaamiyeen dhiig badan oo daatay, kuwaasi oo ka dhashay dagaal dhex-maray qowmiyadaha iyo isku dhacyada shacabka iyo booliska.

Ayada oo ay codeeyeen in ka badan 16 milyan oo qof oo ka mid ahaa 22 milyan oo isu diiwaan gelisay codeynta, ayaa natiijada horudhac waxay muujineysaa in aad la isugu dhow yahay ayada oo hoggaanka uu marba qabano musharax.