Roobow iyo siyaasiyiin kale oo Hanjabaad siyaasadeed oo culus u diray Laftagareen

Kulan farriin siyaasadeed xooggan loogu diray madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen ayaa shalay ka dhacay magaalada Muqdisho.

Kulankan ayaa waxaa isugu yimid hormuudka siyaasadda Koonfur Galbeed, oo ay ka mid yihiin Shariif Xasan, Maxamed Cusmaan Jawaari, Maxamed Aadan Fargeeti, Ilyaas Xasan Cali iyo siyaasiyiin kale oo kasoo jeeda Koonfur Galbeed.

Hase yeeshee, shakhsiag ka qeyb-galkiisa ay hadla haynta xooggan abuurtay ayaa ahaa wasiirka awqaafta iyo arrimaha diinta Soomaaliya Mukhtaar Roobow Cali Abu Mansuur, oo dhowaan laga soo daayey xabsi uu ku jiray saddex sano iyo bar kadibna lagu abaal-mariyey xil wasiir.

Shirkan ayaa ahaa kii labaad oo ay yeeshaan Siyaasiyiintan Koonfur Galbeed iyo kii ugu horreeyey ee uu ka qeyb-galo Sheekh Mukhtar Roobow oo xirnaa shirkoodii hore oo looga dhowaaqay isbaheysi ka dhan ah Laftagareen.