Home Wararka Somaliya Somaliland Muuse Biixi oo Ka Hadlay Baanbaxayada Ka Dhanka ah ee Ka Bilowday...

Muuse Biixi oo Ka Hadlay Baanbaxayada Ka Dhanka ah ee Ka Bilowday Soomaaliland

0

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi oo xalay la hadlay warbaahinta dawladda ayaa madaxda mucaaradka dusha u saaray khasaarihii ka dhashay mudaharaadkii ka dhacay magaalooyin ka tirsan Somaliland.

Muuse Biixi ayaa tacsi u diray dhammaan dadkii waxyeelada dhimashada iyo dhaawaca leh uu ka soo gaaray rabshadihii ka dhashay dibed-xadaas oo uu sheegay inuu ahaa mid aan loo baahneyn.

“Khasaaraha dhimashada iyo dhaawaca leh ee maanta dhacay waxaa ka mas’uul ah Guddoomiyaha xisbiga Waddani, Guddoomiyaha xisbiga UCID iyo Guddoomiyihii hore ee xisbiga Waddani” ayuu yiri Muuse Biixi.

Sidoo kale. madaxweynaha Somaliland ayaa xusay in shacabka Somaliland ay badankood iska diideen ka qeyb galka banaanbaxaas.

“Boqolkiiba shan iyo sagaashan (95%) umaddii way diiday in ay u soo baxaan mucaaridka” ayuu yiri Madaxweyne Biixi.

Mar uu ka hadlayey khasaaraha ka dhashay banaanbaxaasi ayuu sheegay tirada dhimashada iyo dhaawaca.

 

“Waxaa dhintay shan qof, saddex Hargeysa ah, mid Burco ah iyo mid Ceerigaabo ah, dhaawacuna boqol wuu ku dhaw yahay” ayuu yiri Madaxweyne Biixi.

Madaxweyne Muuse Biixi ayaa xusay sababta ay mucaaradku u dhigayaan dibed baxyada.

“Xisbiyada UCID iyo WADDANI waxa u qarsoon oo aanay dadka u sheegayn oo ay dagaalka iyo fidnada ah u gelinayaan dalka, waa yeynaan la tartamin ururrada immika la diiwaangeliyey oo sharci ah” ayuu intaa ku daray Madaxweynaha

Madaxweyne Biixi ayaa Musharrax Cirro ku dhaliilay in uu xisbiga Waddani ku wareejiyay nin aanu tacab ka galin xisbiga.

“Guddoomiyihii hore ee xisbiga Waddani C/raxmaan Ciro waxay ula eekaatay inuu guul ku gaarayo inuu xisbiga Waddani ku wareejiyo nin aan xisbiga Waddani waxba ka dhisin, tacab ka galin oo hadimo uu u gaysto mooyee xisbiga aan maalin qura waxba ku tarin” ayuu yiri Madaxweyne Biixi

 

 

 

Ad
Previous articleWararkii ugu dambeeyey natiijada Doorashada madaxweynaha dalka Kenya
Next articleBoliiska oo soo Bandhigay tuugo Shacabka dhici jirtay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here