War deg deg Ah:- Shirka Dhuusomareeb oo lagu kala dareeray Saaka

Shirka wadatashiga magaalada Dhuusomareeb uga socday Madaxda dowlada federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada ayaa qarka u saaran in gabi ahaan  lagu kala tago kuna soo dhamaado shirkaasi fashil.

Madaxda Dowlada federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada oo labo garab u kala jabsan ayaa isku mari waayay qodobada qaar ee shirka gaar ahaan arinta gobolka Gedo ay isku hayaan Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweynaha Jubbaland.

Sida aan wararka ku helnay Madaxda Puntland iyo Jubbaland ayaa isaga baxay shirka kadib markii lagu guul dareestay in xal laga gaaro arinta gobolka Gedo oo la sheegay in Madaxweyne Farmaajo ka biyo diiday in Jubbaland saameyn ku yeelato gobolaasi.

Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ayaa caawa wada dadaalo uu ku doonayo in shirka mar kale dib u furmo kuna soo laabtaan Madaxda maamulada Puntland iyo Jubbaland.