Home Wararka Somaliya Beesha Caalamka oo ku guuleysatay Shir Jaraa’id uu qaban lahaa Axmed Madoobe

Beesha Caalamka oo ku guuleysatay Shir Jaraa’id uu qaban lahaa Axmed Madoobe

0

Warar lagu kalsoonaan karo oon helnay ayaa sheegaya in wakiilada beesha caalamka kuwooda ugu saameynta badan ay cadaadis ku saareen Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe in uu joojiyo shir jaraa’id uu galabta qaban lahaa.

Madaxweynaha Jubbaland oo isaga baxay shirka Dhuusomareeb kana soo horjeestay sida ay wax u socdaan ayaa Warbaahinta isugu yeeray si uu uga warbixiyo marxalada uu shirku marayo iyo khilaafka ilaa hada taagan.

Beesha Caalamka oo ka cabsi qabta in shirka Dhuusomareeb bur buro uuna sii socosha shirkaasi saameyn ku yeesho hadalada uu jeedinayo Axmed Madoobe ayaa si deg deg ah xiriir ula sameeyay iyaga oona ka dalbaday in uu dib u dhigo shirkiisa jaraa’id.

Sida aan wararka ku helnay Axmed Madoobe ayaana ka aqbalay wakiilada beesha caalamka in uu dib u dhigo shirkiisa jaraa’id, waxa uuna hor dhigay shuruudo dhoor ah oo hadii aan la fulin shaaciyay in warbaahinta la hadlayo runtana sheegayo.

Shirka ka socda magaalada Dhuusomareeb ayaa qarka u saaran in lagu kala tago, waxaana qodobka ugu adag ee shirka la isku mari la yahay uu noqday arinta gobolka Gedo oo Madaxweyne Farmaajo ka biyo diiday in maamulka gobolkaasi ku wareejiyo Jubbaland.

Ad
Previous articleAxmed Madoobe oo laga hor istaagay la hadlida Warbaahinta uu iskugu yeeray
Next articleWar deg deg Ah:- Shirka Dhuusomareeb oo lagu kala dareeray Saaka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here