Home Wararka Somaliya Dhageyso:- Dowlada Somaliya oo Fashilka Shirka Dhuusomareeb ku eedeesay Dowladda Shisheeye

Dhageyso:- Dowlada Somaliya oo Fashilka Shirka Dhuusomareeb ku eedeesay Dowladda Shisheeye

0

Shirkii maalmahan uga socday magaalada Dhuusomareeb madaxda Dowlada federaalka Soomaaliya iyo kuwa maamul goboleedyada ayaa ugu dambeyn kusoo dhamaaday fashil kadib markii la isku afgaran waayay qodobada qaar.

Sida aan xogta ku helnay arinta la isku fahmi waayay uuna khilaafka xoogan ka taagnaa ayaa aheyd xiisada gobolka Gedo iyo cida maamuleysa doorashada Xildhibaanada aqalka hoose ee ka dhaceysa magaalada Garbahaarey.

Wasiirka Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta dowladda Soomaaliya Cusmaan Abuukar Dubbe oo Warbaahinta kula hadlay Dhuusomareeb ayaa fashilka shirkaasi dusha ka saaray hogaanka sare ee maamulka Jubbaland.

Waxa uu sidoo kale sheegay Wasiirka in dowlado shisheeye oon rabin in dalka doorasho ka dhacdo sidoo kale xasilooni siyaasadeed galo gadaal ka riixayeen in shirka Dhuusomareeb guul dareesto.

Madaxda Dowlada Federaalka Soomaaliya iyo kuwa maamul goboleedyada ayaa lagu wada ain ay isaga soo tagaan magaalada Dhuusomareeb kadib markii uu guul daro kusoo dhamaaday shirkii maalmaha badan u fadhiyeen.

Ad
Previous articleWar deg deg Ah:- Shirka Dhuusomareeb oo lagu kala dareeray Saaka
Next articleGobolka Gedo oo maanta la filayo in ay ka dhacaan Banaan-baxyo Xoogan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here