War deg deg Ah:- Akhriso Heshiiska Hordhaca ah ee laga gaaray Shirka Dhuusomareeb

Shirka Dhuusomareeb ayaa maraya meel wanaagsan waxaa jira isfahan dhinacyada ah hadaba heshiiska hordhac ah ee la helayo ayaa ah sidan.
Gedo:
Waxaa loo xil saaray Deni, Qoor Qoor, Guudlaawe iyo Laftagareen.
1. In Police AMISOM la geeyo Garbahaarey.
2. In Guddiga JL ee Doorashooyinka la geeyo Garbahaarey.
Madaxweyne Ahmed Islaam: Wuxuu doonayaa in Duqa Magaalada Garbahaarey ee JL lagu celiyo Garbahaarey.
Arrinta Guddiyada lagu mursan yahay iyo Arrinta SL:
Waxaa loo xilsaaray Ahmed Madobe, Qoor Qoor iyo PM:
1. Waxaa lala xiriiray Abdi Hashi iyo Khadar Guled in ay ku soo heshiiyeen maanta soona gudbiyaan magacyada
2. Guddiyada lagu muransanyahay in maanta la beddelo.
Banaadir 13 Senator:
Arrintaas dib ayaa loo dhigay weli dood ku filan lama gelin..
Wakhtiga Doorashooyinka:
45-60 maalmood lagu qabto.
Jadwalka Shaqada:
Guddi maanta in la magacaabo (hal qof) DG kasta ay soo gudbiso.
Xigasho: 5TV-

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*