Home Wararka Somaliya Maxaa ka jira in Axmed Madoobe uu ka baxay Shirka Dhuusomareeb ka...

Maxaa ka jira in Axmed Madoobe uu ka baxay Shirka Dhuusomareeb ka socday

0

Sida ay mudug24 u sheegeen Ilo ku dhow dhow Shirka Dhuusamareeb waxaa shirka caawa aan ka soo qeyb galin Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe, iyadoo shirka ay fadhiyaan dhammaan Madaxdii kale.

Wararka ayaa sheegaya in arrintan ay ka dambeysay ka dib markii Madaxweyne Farmaajo uu ka hor yimid soo jeedinta qodobada xal ka gaarista arrinta Gedo taasoo loo maaynayo inuu ka carooday Axmed Madoobe.

Qodobada lagu heshiiyey ee xalka looga gaaray maanta ayaa kala ahaa In Ciidamo Boolis AMISOM la geeyo Garbahaarey iyo in Guddiga Doorashada Jubbaland la geeyo Garbahaarey, si doorashada ay halkaas uga qabtaan, hase ahaatee Madaxweyne Farmaajo iyo Axmed Madoobe ayaa la sheegayaa iney labaduba saluugsan yihiin qodobadan

Waxaa socda dedaalo la doonayo in shirka loogu soo celiyey shirka kaasoo ay wadaan madaxda kale ee dowlad goboleedyada ka qeyb galaya shirka.

Shirka ka socda Dhuusamareeb ayaa mar walba la soo baxaya weji cusub, iyadoo dhinacyada halkaas ku shiraya uu mid walba ka cararayo inuu isagu tanaasulo.

Shirka oo lagu waday in manta la soo xiro ayaa dib u dhacay ka dib markii madaxda DF iyo kuwa DF ay ku guuldareysteen iney xal ka gaaraan qodobada qaar oo weli la isku mari la yahay.

Ad
Previous articleWar deg deg Ah:- Akhriso Heshiiska Hordhaca ah ee laga gaaray Shirka Dhuusomareeb
Next articleSawiro:- Dowlada oo soo bandhigtay Meydadka iyo Hub laga furtay Shabaab

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here