Home Wararka Caalamka Ukrain: Halkee ku dambeyeen ciidamada ‘manaxayaasha ah’ee guutada Soomaalida loo yaqaanno?

Ukrain: Halkee ku dambeyeen ciidamada ‘manaxayaasha ah’ee guutada Soomaalida loo yaqaanno?

0

Wararka ka imaanaya aagaga kala duwan oo ka tirsan dalka Ukraine ayaa sheegaya in ciidamadu Ruushku ay wadaan duqeyn aan kala joogsi lahayn iyo qabsashada goobo horleh.

Saraakiil Ruushiyaan ah ayaa sheegay in hadafkoodu yahay qabsahsda koofurta Ukraine iyo furidda marinno muhiim ah oo dagaallada ku xirmay. Balse inta aanna u sii daadegin wararka kale ee Ruushka iyo Ukrine aan eegno halka ay ku dambeeyeen ciidamada mannaxayaasha ah ee loo yaqaanno guutada Soomaalida “Somali Battalion”, oo ah garab militeri oo ka tirsan jabhad ka dagaallanta gobolka Donestk ee bariga Ukraine,Guutada ‘Soomaalida’ ee Ruushku taageero waa cutub millatari kana tirsan isbahaysiga magaciisa loo soo gaabiyo (DPR) ee ka jira gobalka Donetsk.

Wararkii ugu dambeyay ee laga helayo Bariga Ukrine ayaa sheegaya in guutada Soomaalida la arkayay iyadoo dhawaan calamo iyo ubaxyo ay ku soo dhaweeynayaan dadweynaha gobalka Donetsk, iyagoo markaa ka yimid dhanka magaalada go’doonsan ee Mariupol. Waxaa la rumaysanyahay inay qayb ka ahaayen ciidamada Ruushka ee dhawaanahaan hareeyay Mariupol.

Muuqaal baraha bulshada lagu baahiyay ayaa la arkayay ciidamadaan guutada Soomaalida “Somalida Battalion”, oo wata tiro gawaarida dagaalka ah kuwaa oo dadka dhinacyada waddooyinka safnaa gacmaha u haatinayay oo sallaamayay. Wasiirka difaaca Ruushka Sergei Shoigu ayaa ku dhawaaqay in Mariupol ay gacanta ku hayaan ciidamada qalabka sida ee Ruushka.

Dhanka kale qiimeyn dhanka sirdoon oo cusub ayaa lagu xaqiijiyay in miltariga Ruushka ay weerar ku qaadeen dhowr jiho oo cusub oo ka tirsan Ukraine .Shirkad dayax-gacmeed oo laga leeyahay dalka Maraykanka ayaa sheegtay in militariga Ruushka ay geeyeen unugyo cusub meel u dhow caasimadda Kyiv.Sawiradii ugu dambeeyay ayaa muujinayay ciidamada Ruushka oo madaafiic ku garaacaya xaafado ku yaala duleedka caasimadda.

Ad
Previous articleHowlgal Lagu Soo Qabqabtay Ciyaal weero oo laga Sameeyey Muqdisho
Next articleUK oo qalab ciidan oo dheeraad ah u direysa Ukraine

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here