Home Wararka Caalamka UK oo qalab ciidan oo dheeraad ah u direysa Ukraine

UK oo qalab ciidan oo dheeraad ah u direysa Ukraine

0

UK oo qalab militari oo dheeri ah siineysa Ukraine, sida uu xaqiijiyay ra’iisul wasaaraha dalkaas, mar uu telefoonka kula hadlay madaxweyne Volodymyr Zelensky.

Boris Johnson ayaa Mr Zelensky u sheegay, in gawaari badan oo gaashaaman, diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo hubka taangiyada loo diri doono Ukraine, waxaa sidaasi sheegay afhayeen u hadlay Downing Street.

Mr Zelensky ayaa uga mahad celiyay Ra’iisul Wasaaraha tababarka in ka badan 20 askari oo Ukrain ah oo toddobaadkii hore gaaray UK.

Ukrain ayaa ruushka uu ku soo duulay labo bilood ka hor.

Mr Johnson ayaa sidoo kale xaqiijiyay in toddobaadka soo socda ay UK dib u fureyso safaaradeeda ku taalla magaalada Kyiv, tallabadaas oo markii ugu horreysay lagu dhawaaqay Jimcihi.

Afhayeenka nambarka 10-aad ayaa sheegay, in tani ay muujineyso “taageerada iyo garab istaagayada ay UK la leedahay shacabka Ukraine”.

Askarta Ukraine ee tababarka ku qaadanaya UK ayaa la barayaa sida ay u isticmaali karaan 120 baabuur oo gaashaaman, kuwaas oo loogu talagalay in ay iska caabiyaan ciidamada Moscow ee duulaanka ku ah Ukraine, dowladda ayaa sidaasi sheegtay.

Madaxweyne Zelensky ayaa Mr Johnson uga warbixiyay xaaladda Donbas, halkaas oo Ruushku uu xoogga saarayay dadaalladiisa militari maalmihii la soo dhaafay.

Labada hogaamiye ayaa dhaleeceeyay weerarada joogtada ah ee ciidamada Ruushka ay ku beegsanayaan bartilmaameedyada rayidka, oo ay ku jiraan Mariupol, Odessa iyo Lviv.

Ra’iisul wasaaraha ayaa u sheegay Mr Zelensky, in Ruushka lagula xisaabtami doono falalkiisa iyo in dowladda UK ay gacan ka geysaneyso uruurinta cadeymaha ee dambiyada dagaalka uu geysanayo Ruushka.

”Waxaa kale oo uu Johnson u sheegay madaxweynaha, in uu cusboonaysiiyay cunaqabataynta cusub ee UK ee ka dhanka ah xubnaha milatariga Ruushka”, Downing Street ayaa sheegtay.

Labada hoggaamiye ayaa ka wada hadlay, sidii UK ay ula shaqayn lahayd saaxiibbada, si loo horumariyo xalka amni ee mustaqbalka fog ee Ukraine, iyagoona ka wada hadlay wadahadallo lala yeelanayo waddamo kale iyo kooxo kale, si loo bixiyo taageero maaliyadeed oo dheeraad ah, oo uu ku jiro shirkii wasiirrada maaliyadda ee G7 ee dhacay Arbacadii la soo dhaafay.

Ad
Previous articleUkrain: Halkee ku dambeyeen ciidamada ‘manaxayaasha ah’ee guutada Soomaalida loo yaqaanno?
Next articleAxmed Karaash oo magacaabay Guddi Soo Baara Dagaal Dhawaan ka Dhacay Gaalkacyo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here