Home Wararka Maanta Howlgal Lagu Soo Qabqabtay Ciyaal weero oo laga Sameeyey Muqdisho

Howlgal Lagu Soo Qabqabtay Ciyaal weero oo laga Sameeyey Muqdisho

0

Ciidamada booliiska Soomaaliya gaar ahaan kuwa ka howlgala saldhiga degmada Kaaraan ayaa xalay sameeyay howlgal balaaran oo lagu soo qabqabatay ciyaal weeraro dhibaato ku hayay dadka ku dhaqan degmadaasi.

Howlgalka ciidanka sameeyeen waxaa hoggaaminayay taliyaha saldhiga booliiska Kaaraan iyo guddoomiyaha degmadaasi, waxa ayna ciidamada si gaar ah u beegsadeen xaafadaha ay ku badan yihiin ciyaal weerada.

Ciidamada ayaana gacanta kusoo dhigay qaar kamid ah ciyaal weerarada oo xilligaasi watay ulo iyo sidoo kale tooshah badan, waxaana dhallinyaradaasi ciidamada qabteen la geeyay saldhiga booliiska Kaaraan.

Guddoomiyaha degmada Kaaraan Abshir Kaaraan oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in dhallinyarada lasoo qabqabtay ay ku jiraan kuwa ay horey uga digeen falalkan balse dhagaha ka fureesteen, waxa uuna ugu baaqay waalidiinta in caruurtooda ceshadaan.

Xaafado katirsan magaalada Muqdisho ayaa qatyaan looga joogaa dhallinyaro ciyaal weero ah oo dilal ,dhac iyo dhibaatooyin kalaba u geesta dadka ku dhaqan xaafado katirsan degmooyinka Kaaraan, Dharkeenley iyo Wadajir.

Ad
Previous articleP.M Rooble oo Dalka Dibadiisa Safar u aaday iyo ujeedka safarka oo la shaaciyay
Next articleUkrain: Halkee ku dambeyeen ciidamada ‘manaxayaasha ah’ee guutada Soomaalida loo yaqaanno?

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here