Home Wararka Maanta Turkiga oo ka jawaabay qarixii Istanbul ee khasaaraha badan dhaliyay

Turkiga oo ka jawaabay qarixii Istanbul ee khasaaraha badan dhaliyay

0

Ciidamada Cirka ee dalka Turkiga ayaa howlgalo ay ka fuliyeen waqooyiga dalka Siiriya waxa ay uga jawaabeen weerar bambaano oo todobaad ka hor ka dhacay magaalada Istanbul ee dalka Turkiga.

Xoogaga Kurdiyiinta ee ku sugan Suuriya ayaa sheegay in la duqeeyay magaalada Kobane, iyo sidoo kale laba tuulo oo ay dadku ku badan yihiin.

Qarixii Axaddii la soo dhaafay ka dhacay aagga Istiklal Street ee magaalada Istanbul, ee dalka Turkiga ayaa waxaa ku dhintay dad gaaraya 6 qof  tiro intaa ka badana way ku dhaawacantay.

Saraakiisha booliiska dalka Turkiga, ayaa shaaciyay xog ku saabsan qarixii Axaddii la soo dhaafay ka  dhacay Turkiga. Waxay sheegeen in la qabtay dad lagu tuhmayo in falkaas ay ka dambeyeen.

Sida laga soo xigtay maamulka Turkiga, waxaa dadkaan la soo qabtay kadib markii la baaray 1200 kaamiradaha wax duuba ah kuwaas oo laga helay xogta sida uu u dhacay weerarku.

Waxaana loo xiray dhacadaan 46 qof oo lagu tuhmayo in ay ku lug lahaayen.Su’aalo la weeydiiyay shaqsiyaadkan kadib ayaa waxaa lagu dhawaaqay haweenayda looga shakisan yahay weerarka oo ah Axlam Albashir una dhalatay dalka Suuriya, taasoo lagu qabtay magaalada Küçükçekmece.

Sawirrada howlgalkan dadka lagu qabqabtay ayaa waxaa warbaahinta la wadaagay saraakiisha Booliska.

Maamulka ayaa shaaciyay in Albashir ay amarka ay ku fulisay weerarka ay soo qaadatay iyadoo joogta magaalada Kobani (Caynu-Carab) ee waqooyiga Suuriya, kadibna ay Turkiga si sharci darro ah ku soo gashay 4 bilood ka hor, iyadoo aadday magaalada Istanbul, halkaas oo ay ka shaqeysay midka mid ah goobaha dharka lagu talo.

Warka laga soo saaray qarixii dhacay ayaa lagu sheegay in haweenaydan ay ku fadhiistay mid ka mid ah kuraas taallay, halka qaraxu ka dhacay mudd 40 daqiiqo ah. Boorso ayay kaga tagtay halkii ay fariisatay daqiiqado yar kadibna waxaa dhacay qaraxa, iyadoo in cabbaar ah ka sii maqan goobta.

Warku wuxuu intaa ku darayaa marka ay goobta ka tagtay in ay  aadday Esenler, iyadoo gaari u raacday Küçükçekmece.

Agaasinka Amniga Istanbul, ayaa sheegay in haweenaydan lagu tuhmayo in ay ka dambeysay weerarkii Axaddii dhacay ay Waddada Istiklal ee Taksim Square, gashay iyadoo dhabarka ku wadata boorso, ayna ku fariisatay kursi yaalla halka wax ka dhaceen.

Kaamiradda ayaa laga arkay muuqaalkeeda. Intii ay su’aalaha weydiinayeen saraakiisha booliisku waxay sheegeen in Albashir ay sheegtay in si gaar ah  ay tababarro u siiyeen ururada PKK/PYD/YPG, iyadoo si sharci darro ahna ku soo gashay dalka Turkiga oo ay ka soo gashay gobolka Afrin.

Qoraalka ka soo baxay dowladda Turkiga, ayaa sidoo kale lagu sheegay in haweenaydan ka hor inta aan la soo qaban ay isku diyaarineysay in ay u baxsato dalka Giriigga.

Ad
Previous articleMadaxweyne Xasan Shiikh oo Gaaray Baladweyne(Sawiro)
Next articleP.M Xamse Barre oo la kulmay Safiirka cusub ee dalka Imaaraadka (Sawirro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here