Home Wararka Maanta P.M Xamse Barre oo la kulmay Safiirka cusub ee dalka Imaaraadka (Sawirro)

P.M Xamse Barre oo la kulmay Safiirka cusub ee dalka Imaaraadka (Sawirro)

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Hamza Cabdi Barre ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha cusub ee dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta u fadhiya Soomaaliya Mudane Ahmad Juma Al Rumaithi.

Ra’iisul Wasaaraha iyo Danjiraha ayaa ka wada hadlay sii adkeynta iskaashiga iyo xiriirka u dhaxeeya labada waddan iyo dardargelinta taageerada dhinacyada kala duwan ee ay dowladda Imaaraadku siiso Soomaaliya.

Xamse Barre ayaana u sheegay safiirka cusub in ay soo dhaweenayaan magacabaistiisa ayna diyaar u yihiin wada shaqeyn dhaw, waxa uuna kala hadlay sidii loo xoojin lahaa xiriirka kala dhaxeeya Soomaaliya iyo Imaaraadka.

Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa safiir cusub usoo magacawday Soomaaliya, kaddib markii muddo xileedkiisa uu dhameestay safiirkii hore ee Imaaraadka u joogay muddo sannado ah.

Ad
Previous articleTurkiga oo ka jawaabay qarixii Istanbul ee khasaaraha badan dhaliyay
Next articleDad lagu dilay weerar ka dhacay kalaab habeenkii lagu caweeyo oo ku yaal Mareykanka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here