Home Wararka Maanta Tareen ay Saarnaayeen 60 Qof oo Bas kula dhacay Xaafada Hisingen ee...

Tareen ay Saarnaayeen 60 Qof oo Bas kula dhacay Xaafada Hisingen ee Göteborg

0

Tareen siday ilaa 60 rakaab ah ayaa ku dhacay baska ku shaqeeya gaaska ee Xaafada Hisingen Götenborg. Adeegga samatabixinta ayaa sheegay in cidina uusan dhaawac halis ah gaarin. Sida uu wariyey.

Baska ayaa ka madhnaa rakaabkii, darawalkiina waxaa u suuragashay inuu baska ka baxo shilka ka hor, taasi oo keentay in Baska uu bur-buro guud ahaan

Adeegyada samatabbixinta ayaa u gurmaday goobta ka dib markii ay heleen ogeysiis saacaddu markay ahayd 07:38 oo ay xireen iyaga oo ka baqaya gaas dillaaca ama qarax, halka rakaabkii tareenka ay si deg deg ah u faarujiyeen iyada oo aan cidna u baahnayn daryeel caafimaad oo degdeg ah.

Shilka ayaa ka dhacay inta udhaxeysa waddooyinka Finlandsvägen / Lillhagsvägen, wadada tareenka ayaa waxyeelo soo gaartey taas oo la filayo inay saameyn ku yeelato dhaqdhaqaaqa tareenada qaar ee Göteborg.

“Waa macquul in dib u dhac uu ku yimaado taraafikada tareenka” ayuu yiri afhayeenka booliska Fredrik Svedimir.

Ad
Previous articleSweden oo Xabsi ku Xukuntay Haweeney ilmaheeda geysay Dalka Suuriya
Next articleMadaxweyne Axmed Madoobe oo Muqdisho ka degay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here