Taliyaha Boliiska Gobalka Banaadir oo Furay Wadada Isku xirta Muqdisho iyo Afgooye oo Cabsho Laga Muujiyay (Sawiro)

Taliyaha qeybta Guud ee gobolka Banaadir Farxaan Maxamuud Aadan oo ka jawaabaya cabasho ka timid dadka isticmaala wadada dheer ee xiriirisa Muqdisho iyo Afgooye ayaa kormeer ku tagay goobihii ay kasoo yeertay cabashada.

Taliyaha ayaa furay wadooyin hore u xirnaa oo ay dadku cabashada kasoo gudbiyeen isagoo sheegay in wadada oo dhan la furi doona marka ay dhamaato wajiga labaad ee dhismaha oo filayo in dhawaan ay bilaabato.

Gaadiidlayda isticmaala wadadaas iyo shacabka ayaa uga mahadceliyay taliye Farxaan howsha uu maanta ka qabtay wadadaas.

idaacad ku taala Muqdisho ayaa shalay cod qarsoodi ah ka duubtay Wadada xariirisa Muqdisho iyo Afgooyr dhibaatada Laga qabo.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*