Home Wararka Somaliya Galmudug Ciidamada Daraawiiishta Galmudug oo Howlgallo ka Fuliyay Gobalka Mudug

Ciidamada Daraawiiishta Galmudug oo Howlgallo ka Fuliyay Gobalka Mudug

0

Ciidamo ka tirsan kuwa daraawiishta   Galmudug ayaa waxaa xalay howlgallo qorsheysan ka Fuliyeen degaano u dhaxeeyo Degmooyinka Wisil iyo Bacaadweyne Ee Gobalka Mudug.

Howlgallada ayaa saraakiisha hoggaamineysa waxaa ay sheegeen in ay ka dambeeyeen kadib markii dadka degaannadaas ay ku soo wargeliyeen in Xubno ka tirsan Al-Shabaab ay degaannadaas yimaadeen.

Sidoo kale waxaa ay sheegeen saraakiisha in ay ka warhayaan Xubnaha Al-Shabaab eek u sugan degaankada Bacaaweyne, isla markaana dhawaan ay ka saari doonaan.

Inta u dhaxeysa degmooyinka Wisil Iyo Bacaadweyne Ee Gobalka Mudug ayaa waxaa dhowr jeer ku dagaalamay Ciidamada dowladda oo garab ka helaya Shacab hubeysan & Al-Shabaab.

Ad
Previous articleSawiro: Duqa Degmada Gaalkacyo oo Muqdisho kula kulmay Maamulka Gobolka Banaadir
Next articleTaliyaha Boliiska Gobalka Banaadir oo Furay Wadada Isku xirta Muqdisho iyo Afgooye oo Cabsho Laga Muujiyay (Sawiro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here