Home Wararka Somaliya Ciidanka Dowlada oo sameeyay howlgal lagu qabtay Xubno ka tirsan Al-Shabaab

Ciidanka Dowlada oo sameeyay howlgal lagu qabtay Xubno ka tirsan Al-Shabaab

0

Howlgalka oo ahaa mid qorsheysan ayaa Ciidanka Kumaandoosta Soomaliyeed ee DANAB waxaa ay ka sameeyeen Deegaanka Cali Boorow oo ka tirsan Gobalka Shabeellaha Hoose.

Saraakiisha howlgalka hoggamineysay ayaa waxaa ay sheegeen in howlgalka lagu qabtay Xubno ka tirsana Ururka Al-Shabaab una qaabilsanaa Ururinta lacagaha  lacaga qaado dadka ku nool degaanka Cali Boorow.

Sidoo kale saraakiisha waxaa ay sheegeen in weli howgallada ay ka socdaan degaanka Cali Boorow & degaannada kale ee ku dhow dhow si looga saaro Al-Shabaab oo mararka qaar degaannadaasi taga.

Majirin intii uu socday howlgalka dagaal dhex-maray ciidamada dowladda iyo Al-Shabaab, balse la sheegay in Ciidamada sidoo kale ay guri Guri u baarayeen degaanka Cali Boorow oo ka tirsan Gobalka Shabeellaha Hoose.

.Degaano badan oo ka tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa mararka qaar dagaal uu ku dhexmaraa Ciidamada dowladda & Al-Shabaab kadib markii Al-Shabaab ay weeraraan saldhigyada Ciidamada dowladda & kuwa AMISOM.

Ad
Previous articleTaliyaha Boliiska Gobalka Banaadir oo Furay Wadada Isku xirta Muqdisho iyo Afgooye oo Cabsho Laga Muujiyay (Sawiro)
Next articleDhageyso:-Taliye Xijaar amar ku socda Saraakiisha & Ciidamada Booliska oo Dowlada kasoo baxay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here