Home Wararka Caalamka Sweden oo soo bandhigtay Taariikh-da la dhimayo Canshuurta iyo Shidaalka

Sweden oo soo bandhigtay Taariikh-da la dhimayo Canshuurta iyo Shidaalka

0

Dowladda oo taageero ka heleysa xisbiga Sverigedemokraterna ayaa maanta oo Khamiis ah soo bandhigtay hindiseheedii ugu horreeyay ee miisaaniyadda cusub.

Hindisaha ayaa la xiriira canshuurta shidaalka iyo gaadiidka, halkaasoo afarta xisbi ee garabka midig ay doonayaan in la dhimo canshuurta shidaalka iyo naaftada, si qiimihiisu hoos ugu dhaco qiyaastii karoon halkii litir laga bilaabo horraanta Janaayo 2023.

Saddexda tallaabo ee ay dawladdu maanta soo bandhigtay ayaa lagu soo koobi karaa dhimista cashuurta shidaalka iyo naaftada, hoos u dhigidda qiiqa  iyo ilaalinta waxa loogu yeero “dhimista safarka” 

Isaga oo arrintan ka hadlaya, af hayeenka dhaqaalaha ee xisbiga SD, Oscar Khosted ayaa yidhi: “Dhimista cashuurta batroolka iyo naaftada waa soo jeedin ku jirta xirmo tallaabooyin ah. Waxaan rabnaa in aan 6.7 bilyan oo karoon ku gelinno canshuur dhimis ilaa dhammaadka sanadka.”

Dawladdu waxay rabta in ay dhinto 80 euros cashuurta tamarta ee batroolka iyo naaftada, laga bilaabo Janaayo 1, 2023 si ku meel gaar ah.

Dawladdu waxay raadinaysaa in ay dhimayso ballanqaadka Iswiidhan ee ah in la dhimo qiiqa waxyeelada leh ee Midowga Yurub ugu yaraan 6 boqolkiiba

Ad
Previous articleCiidamada Dowladda oo gacanta ku dhigay Sargaal katirsanaa Al Shabaab
Next articleBooliska DF oo ka hadlay haweeney gabar todoba jir ah dil ugu geysatay Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here