Home Wararka Maanta Ciidamada Dowladda oo gacanta ku dhigay Sargaal katirsanaa Al Shabaab

Ciidamada Dowladda oo gacanta ku dhigay Sargaal katirsanaa Al Shabaab

0

Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa deegaanka ee howlgalada kawada deegaano katirsan gobolka Shabeelada Dhexe ayaa gacanta ku dhigay nin oday ah oo la sheegay in uu ahaa nabaddoon iyo sargaal katirsanaa saraakiisha Al Shabaab.

Howlgal ay ciidanka ka sameeyeen deegaanka War-ciise ee gobalka Sh Dhexe ayaa lagu soo qabtay Maxamed Jeelle Jarasow oo la sheegay in uu ahaa sargaal Al-Shabaab u qabilsanaa deegaanka War ciise iyo deegaano kale oo hoostaga Jowhar iyo Raage-ceelle .

Ninkan oo wareysi siiyay warbaahinta ayaa qirtay in uu ahaa Nabaddoon katirsanaa kooxda Al Shabaab muddo toban sanno ah , waxa uuna xusay in uu u qaabilsanaa u aruurinta lacagaha Sakawaadka, isagoona taageeray howlgalka socda.

Guddoomiyaha Gobolka Sh/ Dhexe Axmed Meyre Makaraan ayaa sheegay in intii ay howlgallada wadeen qabteen xubno badan oo la Shaqeeynayay Al-Shabaab, isaga oo sheegay in howlgallada sii socon doonaan ilaa iyo inta Al-Shabaab laga saarayo gobolka.

Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa deegaanka oo is garabsanaya ayaa deegaano badan oo kuyaalla gobolka Shabeelaha Dhaxe gacanta ku dhigay , waxa ayna ciidamada qabteen xubno katirsan Al Shabaab iyo dad la shaqeenayay.

Ad
Previous articleP.m Xamze oo Maantay Amray in Wasiirada iyo Shaqaalaha Dowlada Laga Jaro Lacagta Gunnada ee ay Qaataan
Next articleSweden oo soo bandhigtay Taariikh-da la dhimayo Canshuurta iyo Shidaalka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here