Sidee Farxaan Qaroole oo Watay Gaari aan Xabadu karin Qarax loogu Dilay?

Hay’adda Nabad-Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya (NISA) ayaa war kasoo sartay geerida taliyihii booliska gobolka Banaadir Jeneraal Farxaan Maxamuud Aadan (Farxaan Qaroole) oo maanta lagu dilay qarax ka dhacay deegaanka Basra ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Qoraalka ay NISA soo dhigtay twitter ayey ku sheegtay in Farxaan Qaroole uu shahiiday isaga oo xaq ku diriraya.

“Allaha u naxariisto Taliyahii Ciidanka Booliska Gobolka Banaadir Gen. Farxaan Qaroole. Farxaan wuxuu shahiiday isagoo xaq ku diriraya, naftiisana u hibeeyay sidii dalka iyo dadka looga dulqaadi lahaa cadowga Khawaarijta ah ee ku soo duulay. اللهم تقبل شهادته وأسكنه الفردوس الأعلى,” ayaa lagu yiri qoraalka NISA.

NISA oo inta badan aan ka hadlin arrimaha aan si gaar ah u quseyn hay’adda, ayaa sidoo kale qoraalkeeda wuxuu u muuqdaa xaqiijintii ugu horreysay ee ka timid dhanka dowladda ee ku saabsan geerida Farxaan Qaroole.