Home Wararka Maanta Khilaaf Xoogan oo See kala Dhexgalay Ciidankii lasocday Farxaan Qaroole

Khilaaf Xoogan oo See kala Dhexgalay Ciidankii lasocday Farxaan Qaroole

0

Sida ay xaqiijinayaan wararka laga helayo laamaha Amniga ee DFS, qaar kamid ah ciidamadii uu hogaaminayey Allaha u raxmadee Jen, Farxaan Max’uud Aaden (Qaroole) ee kusugnaa deegaanka uu ku geeriyooday saaka ayaa gadood sameeyey, waxayna dalbanayaan in la sameeyo baaritaano dheeraad ah oo madax banaan, kuna wajahan dhacdada dhimashada taliyaha la xariirta.

Ciidamada Haramcad oo qeyb ka haa howlgalkan ayaa dib uga soo baxay deegaanadii saaka la gaaray, iyagoo sheegaya in ay ku laabanayaan Muqdisho, inkasta oo ay socdaan dadaalo lagu qancinayo.

Ciidan kale oo katirsanaa ciidamada xoogga dalka oo kuwajahnaa aagan ayaa dib loo hakiyey, iyadoo aan la ogeyn sababaha rasmiga ah.

Madaxda DFS iyo saraakiisha Amniga ayaa katacsiyey dhimashada Allaha u raxmadee Jen, Farxaan oo muhiim u ahaa dibu-dhiska ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed.

Ad
Previous articleSidee Farxaan Qaroole oo Watay Gaari aan Xabadu karin Qarax loogu Dilay?
Next articleDowladda oo Bilowday Dagaal dhinaca Maaliyadda oo ka dhan ah kooxda Al Shabaab

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here