Home Wararka Somaliya Puntland Musharax Madaxweyne Siciid Deni oo Si aan caadi ahayn loogu Soo Dhaweeyey...

Musharax Madaxweyne Siciid Deni oo Si aan caadi ahayn loogu Soo Dhaweeyey Garawe(Sawiro)

0

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, oo safar ugu maqnaa dalka dibadiisa gaar ahaan dalalka Imaaraadka Carabta iyo Kenya ayaa maanta dib ugu laabtay magaalada Garawe ee caasimadda Puntland.

Garoonka diyaaradaha magaalada Garawe waxaa si weyn ugu soo dhaweeyay Madaxweynaha Puntland masuuliyiinta ugu sareysa Puntland sida Madaxweyne kuxigeenka, Guddoonka gollaha wakiiladda iyo xubno ka kala tirsan labada golle ee maamulka Puntland.

Madaxweynaha Puntland oo sidoo kale ah musharax u taagan xilka Madaxweynaha Soomaaliya ayaa muddooyinkii lasoo dhaafay ku maqnaa dalka dibaddiisa oo la tilmaamay in uu ka waday olole doorasho.

Ad
Previous articleAxme Madoobe oo la Kulmay Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal Xili Ceel ay kusii Wajahanyihiin(Sawiro)
Next articleDeg deg: Dacwadii Fahad Yaasiin oo la Mudeeyey

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here